Beesha Hawiye ayaa si adag uga hortimid
Beesha Hawiye ayaa si adag uga hortimid beegsi ay sheegtay in maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku hayo beesha Gaaljecel afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo warbaahinta u akhriyay war-saxaafadeed kasoo baxay shir ay maanta beesha ku yeelatay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga horyimid beegsiga maamulka Lafta-gareen ee beesha Gaaljecel
Shirkaan oo ay ka qeyb-galeen duubabka waaweyn ee Hawiye
Shirkaan oo ay ka qeyb-galeen duubabka waaweyn ee Hawiye, waxaana loogu baaqay maamulka Lafta-gareen inuu joojiyo ciidamada uu ku daabulayo deegaanka Yaaqbari weyne ee lagu beegsanayo beesha Gaaljecel Odayaasha beesha Hawiye waxaa u cuntami weysay in awooddii maamulkaas oo dhan loo adeegsado beesha Gaaljecel,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye
Sidoo kale waxay odayaasha dhaqanka Hawiye
Sidoo kale waxay odayaasha dhaqanka Hawiye ugu baaqeen madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya inay soo fara-geliso arrintaan odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa waxa kale ay aqbaleen inuu sii socdo shirka looga tashanayo Shabeellaha Hoose iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo gogol nabadeed u fidiyay beelaha dega Shabeellaha Hoose oo dhan
Waxay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye cadeynayaan in aysan cabasho ka aheyn qabiil ee ay cabasho ka yihiin maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ugu baaqayaan maamulka Koonfur Galbeed inuu joojiyo beegsiga beesha gogosha maanta dhigtay ee Gaaljecel Saran-soor
0 Comments