Xildhibaan Xidig "Maanta Beel dhan ayaa fadhiga barlamaanka ka maqan waligeedna ma dhicin"

Barlamaanka somalia

 Mid kamid ah xildhibaannada beelaha Soomaaliyeed 

Mid kamid ah xildhibaannada beelaha Soomaaliyeed ayaan maanta ka wada baaqday kulan ay yeeshene xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee uu haatan galay dalka xildhibaannada Digil iyo Mirifle ayaan maata xaadirin kulankii baarlamaanka, waxayna gooni u qabsadeen shir kale oo ay uga arrinsanayeen xiisadda ka dhalatay magacaabista ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo matela Beesha Raxanweyn

Cabdirashiid Xidig oo kamid ah baarlalamaanka

Cabdirashiid Xidig oo kamid ah mudanayaasha baarlalamaanka Soomaaliya ayaa arrintan su’aal ka keenay, wuxuuna tilmaamay inay tahay markii ugu horreysay oo ay dhacdo Waxaan rabnaa inaan ogaano beel dhan oo saaxibadeyn ah xildhibaannadoodii ayaa maqan waxaan jeclaan lahayn inaan ogaano, sida ay ku dhacday” ayuu yiri Xidig

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay 

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ma ahan dhaqan uu baarlamaanka lahaan jiray haddii ay xildhibaannada dareemayaan iyo haddii kaleba siyaasiyinta Digil iyo Mirifle ayaa haata wada olole wayn oo ay ku doonayaan in deg-deg loo soo magacaabo xilka ra’iisul wasaare ku xigeen labaad ee uu horay uga ballan qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas Koonfur Galbeed ka doonayay meel marinta 4 cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ah, taas oo lagu guuleystay

Xubnaha Digil iyo Mirifle ee haatan ku shiray gudaha magaalada Muqdisho ayaa isla gartay tallaabada ay qaadayaan haddii muddo 24 saac gudahood lagu soo magacaabi waayo xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad oo matela Beesha Raxanweyn.Sidoo kale waxa ay xubnahan ku doodeen inay yihiin canshuur bixiyayaal, sidoo kalena ay door wayn ku leeyihiin la dagaallanka Argagixisada iyo dhismaha dowladnimada.

Xilkan ayaa waxaa loo wadaa siyaasiga caanka ah ee Saalim Caliyoow Ibrow oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed, kaas oo horay ra’iisul wasaare ku xigeen uga soo noqday dowladdii KMG aheyd ee soo martay dalka Shirkan waxaa ka horreeyay mid kale oo iyana ay xalay gudaha Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada iyo wasiirada kasoo jeeda gobollada waqooyi, kuwaas oo ku fadhiya kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, waxayna diidan yihiin qorshaha hadda socda ee dhisida ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo uu xilligan yeesho dalka

Post a Comment

0 Comments