Ciidamada Macawiileyda oo jab culus gaarsiiyay Al-Shabaab

Ciidamada Macawiileyda

Faah-faahino dheeraad ah

 Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xalay ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan gobolka Galgaduud ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, kaas oo ay ku gaarsiiyeen jab xoogan ciidamada deegaanka ayaa beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhexeysa deegaanada Budbud iyo Ceel Cali Xasan

Waxaana kadib xiga dagaal toos

Waxaana kadib xiga dagaal toos ah uu dhexeeya labada dhinac, kaas oo qaatay muddo ku dhow saacad saraakiil ka tirsan ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka saareen deegaanka Ceel Jowle oo ah halka ay weerarka ku qaadeen

Sidoo kale waxa ay saraakiisha sheegeen inay soo bandhigi 

Sidoo kale waxa ay saraakiisha sheegeen inay soo bandhigi doonaan khasaaraha ay maleeshiyaadkii ku sugnaa halkaas u gaysteen xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ka dhacay dhinaca degmada Ceeldheer

Kaas oo isna khasaare lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab, kadib markii ay dagaal culus la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan halkaasi maalmihii u dambeeyay waxaa gobollada dhexe ka socda guluf dagaal oo Al-Shabaab looga saarayo gobolladaasi, kaas oo ay iska kaashanayaan Galmudug iyo dowladda dhexe

Post a Comment

0 Comments