Goobo kooxda Al-Shabaab ay ku qoranayeen dagaal-yahaano oo la bur-buriyay

kooxda Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

 Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-gal culus ka fuliyey deegaanada dhaca dhulka howdka ah ee kala qeybiya gobollada Baay iyo Bakool howl-galkan oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayey ciidanka ku bur-buriyeen goobo ay kooxda ku qoran jirtay dagaal-yahaannada cusub, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka oo hoggaaminayay howl-galka

Sidoo kale waxaa howl-galka lagu nadiifiyay deegaano

Sidoo kale waxaa howl-galka lagu nadiifiyay deegaano ay dadka shacabka ah ee mara wadooyinka isku xira gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ay ku baadi jirtay kooxda Al-Shabaab taliye Dhamme Axmed Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu warbaahinta dowladda u sheegay inay kusii raad-joogaan firxadka kooxda, islamarkaana ay sii socon doonaan howl-gallada

Laba maalin kahor ayey aheyd markii ciidamada xoogga

Laba maalin kahor ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ay howlgal culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray ciidanka iyo Al-Shabaab howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhuumaaleysi kusoo galay deegaanka Beerayabaal ee gobolkaasi

Waxayna dowladda sheegtay in lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaaare kale oo aad u culus Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli uu dhawaan si rasmi ah u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka

Post a Comment

0 Comments