Madaxweyne xasan sheekh oo ku dhawaaqay arrin ciqaab adag lagu muteysan karo oo la xiriirta wicitaan ah la sameeyo kooxda alshabaab

Kooxda alshabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhowaaqay inay dambi tahay in qofka uu xiriir wicitaan ah la sameeyo qof ay ehel ama qaraabo yihiin oo ku jira kooxda Al-Shabaab madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay dambi tahay oo ciqaab adag lagu muteysan karo xitaa haddii uu qof qaraabada ah oo kooxda ku jira uu isaga kula soo sameeyo wicitaan

Kuma soo wici karo, mana wici kartid waa dambi ogow taas

“Kuma soo wici karo, mana wici kartid waa dambi ogow taas,“ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhowaaqay in ciqaab adag lagu muteysan karo in xiriir lala sameeyo qof ku jira ama ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxa uu intaas kusii daray “Qofka haddii la ogaado inuu wacay qof (Al-Shabaab) ku jira ama isaga uu la soo sameeyay xiriirka maxkamad ayaa la horgeynayaa

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaan loo cuskanayo sharciga

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaan loo cuskanayo sharciga la-dagaalanka argagixisada, uuna qabanayo qofka xiriir la sameeya qof kooxda ku jira ama xitaa uu asagu soo waco sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan lala macaamili karin kooxda, maadama sida uu sidoo kale jiro xeer ku saabsan cunna-qabateynta xadidan oo saran ururada ka soo horjeeda dowladda, sida uu sheegay madaxweynaha

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in lala macaamilo kooxda Al-Shabaab, waxaana tallaabadan ay noqoneyso mid lagu sii xoojinayo amarka in aan wax macaamil ah lala sameyn karin kooxda ay dowladda dagaalka kula jirto dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah oo wejigiisa koowaad uu dardar horleh ku bilowday, islamarkaana kooxda looga xoreeyay degmooyin iyo deegaan muhiim ah oo sanado ka talinayeen, ayaa waxaa bilihii dambe ku yimid gaabis, kaasi oo loo tirinayo hoggaan xumo haysata ciidanka.

Si kastaba, Madaxweynaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay bilaabay dadaal dhiig cusub loogu shubayo howl-galka, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka oo dib u dhac weyn ku yimid

Post a Comment

0 Comments