Ciidamada NISA oo howlgal kusoo dilay horjoogayaal Shabaab ah

Ciidamada NISA

Ciidamada Nabad-suddiga Soomaaliya

 Ciidamada Nabad-suddiga Soomaaliya oo maanta qaaday weerar culus ayaa soo dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal, kuwaas oo ku sugnaa duleedka degmada Marka ee xarunta gobolkaasi howlgalkan oo uu hoggaaminayay taliyaha NISA ee Marka Maxamed Sheekh Xasan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaatay guutada 14 October ee fadhigoodu yahay gudaha magaaladaas

Waxayna beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen

Waxayna beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab sidoo kale waxaa howlgalka ku biiray afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo isaguna tegay jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanada ay ka socdaan howlgallada

Taliyaha Nabad-sugidda Marka oo la hadlay warbaahinta

Taliyaha Nabad-sugidda Marka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markii hore ay madaafiic ku garaaceen saldhigyada Al-Shabaab, kadibna ay ku qaadeen weerar toos ah, kaas oo uu tilmaamay in maleeshiyaad iyo horjoogayaal ay uga dileen Maxamed Sheekh Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay inay howlgaladdooda ku gaareen deegaanada Sagaaroole, Cadceed, Farange iyo Buundo Libaax oo dhammaan hoostaga magaallo xeebeedka Marka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka xoreeyaan dhulkaasi Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya

Maalmihii u dambeeyay waxaa Shabeelaha Hoose ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana barbar socda duqeymo iyo dagaallo mararka qaar dhex mara labada dhinac

Post a Comment

0 Comments