Ciidanka dowladda oo ka hortagay qorshe halis ah oo Al-Shabab la damacsaneyd

Ciidanka dowladda

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka

 Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ayaa howl-gal culus ka fuliyay dhulka hawdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaad Al-Shabaab ah howl-galka oo si wada-jir ah u fuliyee ciidanka guutada 26-aad ee Cali Bin Abii-Daalib iyo kuwa deegaanka deegaanka ayaa ahaa mid looga hortegayay

Islamarkaana lagu fashiliyay dhagar ay kooxda

Islamarkaana lagu fashiliyay dhagar ay kooxda usoo maleegaysay shacabka ku nool deegaanadaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka taliyaha Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in howl-galka lagu bar-tilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud

Waxa uu sheegay in weli ay ciidanka ku raad-joogaan

Waxa uu sheegay in weli ay ciidanka ku raad-joogaan firxadka Shabaab-ka, isaggoo sheegay in howl-galkan uu soconaya inta kooxda laga sifeynayo dhulkaasi hawdka ah dhawaan unbey aheyd markii ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen Cali-cadhoole oo u dhow degmada Ceeldheer, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga qaarkood dilay, kana soo furtay hub, sida uu markaas shaaciyay taliska xoogga.

Ciidamada ayaa weli sii wada howl-galkooda. Mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladan ay guulaha ka sheegteen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka Galgaduud ayaa waxaa weli ka socda howl-gallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo iyaguna weeraro ka fuliya gobolkaasi

Post a Comment

0 Comments