Ciidanka dowladda somalia oo la wareegay degaano laga soo abaabuli jiray weerarada Al-Shabab


dowladda somalia

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo ay guullo ka sheegteen saraakiisha milatariga ciidamada ayaa howlgalkan ku gaaray deegaano ay horay u joogeen maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaana la wareegay Xoogga dalka gaar ahaan guutada 9-aad ee fadhigoodu yahay degmada Xudur

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda oo dhaca galbeedka magaaladaasi ayaa kala ah deegaanada Eedanow iyo Ceelahaley oo ay horay fariisin ugu lahaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan aaggaasi ayaa sheegay in deegaanada ay wareegeen laga soo abaabuli jiraan weerarada ay Al-Shabaab kusoo qaadaan aagga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ujeedkana uu yahay in Al-Shabaab ay ka sifeeyaan meelaha ay ka joogaan gobolka dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guula ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka xaaladda ayaa weli ah mid aa u kacsan ayada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo halkaasi

Xudur ayaa kamid ah magaalooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab oo gacanta ku haya inta badan deegaanada hoostaga degmadaasi Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inuu dhowaan ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ujeedka uu yahay in looga xoreeyo gobollada Baay iyo Bakool

Post a Comment

0 Comments