Ciidanka Xoogga oo Al-Shabaab ka soo furtay gaadiid ay madax-furasho u heysteen

Kooxda alshabaab

 Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo caawa shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka ee gobolka Sh/Hoose ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal maanta Khawaarijta Al-Shabaab looga soo badbaadiyey gaadiid ay madax-furasho u heysteen sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in dhul badan laga xoreeyey Shabaab iyadoo howlgalkii maanta looga qabtay maxaabiis

Sida uu sheegay Afhayeenka oo caawa ku sugan deegaanka Doonka

Sida uu sheegay Afhayeenka oo caawa ku sugan deegaanka Doonka oo u dhaxeeya Afgooye iyo Walaweyn howlgalka waxaa maanta hoggaaminayey taliyaha guutada 7-aad ee qeybta 12-ka Abriil Axmed Gaashaan, waxaana lagu guuleystay in dhul baaxad leh laga saaro kooxda Al-Shabaab sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka

Saakay waxaan ka dhaqaaqnay degmada Afgooye

Saakay waxaan ka dhaqaaqnay degmada Afgooye, sidoo kale ciidan kale ayaa ka soo dhaqaaqay Walaweyn, waxaan howlgalka ugu culus ka fulinay deegaanka Waraaboole, gaadiid 20 gaaraya oo Khawaarijtu ay baad ka rabeen ayaan ka sii deynay halkaas ayuu yiri Taliye Sheekh Abuukar afhayeenka ayaa sheegay in 300 oo doolar oo baad ah ay Shabaab ka rabeen gaadiidkaas

Isla markaana ay halkaas ku xayirnaayeen maalmo badan, balse xogta ay heleen ciidamada qaranka ayaa fududeysay in gaadiidkaas lagu soo furto howlgalkaan howlgaladii maanta waxaa lagu qabtay dhagarqabayaal la tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin Khawaarijta waxaana loo gudbinayaa cadaaladda, caawa waxaan joognaa deegaanka Doonka oo Khawaarijtu ay baad uga qaada jirtay dadka shacabka ah,” ayuu yiri Sheekh Abuukar

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalka maanta laga fuliyey dhul dhan 70 KM, isagoo shacabka ka codsaday in ciidamada qaranka ee naftooda u huray ay kala shaqeeyaan amniga, cadowgana ka difaacdaan deegaanadooda, si ay uga badbaadaan dhagarta argagixisada

Howlgalkaan wax khasaare ah nagama soo gaarin, Khawaarijtii maanta waxaa ku dhacay kala carar, iyagoo shacab iska dhigaya ayey ku baxsadeen gaadiidka dadweynaha, jihaadka ay sheegayaan hadii uu dhab yahay waa dagaalami lahaayeen, meelaha ay baada ku qaadi jireen ayaan caawa joognaa,” ayuu yiri Sheekh Abuukar

Post a Comment

0 Comments