Saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Difaaca ee dalka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyey Qorshaha xiriirka Al-Shabab iyo Xuutiyiinta

Kooxda alshabaab

Saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Difaaca ee dalka Mareykanka

 Saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Difaaca ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay xiriir iskaashi la billaabeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, si ay isugu dayaan in awoodooda ay ku ballaariyaan Soomaaliya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca Mareykanka oo codsaday in aanan la magacaabin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la shaqeeyaan Xuutiyiinta, isagoo ku tilmaamay wax la yaab leh oo laga walaaco

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Xuutiyiinta

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Xuutiyiinta, oo ah koox gacan ka hesha dowladda Iran ay doonayso in ay abuurto jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Haddaba xiriirka iyo iskaashiga la sheegayo inay xuutiyiinta oo shiico ah doonayaan inay la yeeshaan kooxda suniga sheegata ee Al-Shabaab, muxuu uga dhigan yahay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika?

Axmed Kaboole oo falanqeeya arrimaha ammaanka

Axmed Kaboole oo falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa arrintaan uga waramay VOA, isagoo ku sugan dalka Sweden ayuu sheegay in xiriirka Shabaab iyo Xuutiyiinta uu sii kordhinayo weerarada iyo beegsiga ay Shabaab ka wadaan gobolka Al-Shabaab waxay u baahantahay hub casri ah, Xuutiyiinta waa heystaan, sida diyaarado iyo gantaalo halis ah oo Iran iyo saaxiibadooda kale ay ka heleen, hubka ay Xuutiyiintu heli karaan hadii uu gacanta Shabaab galo, caqabad weyn ayey dowladda Soomaaliya ku noqon doontaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale falanqeeye Axmed Kaboole ayaa sheegay in Shabaab ay xuudadaha dalka ka gudbi doonaan, hadii ay helaan awood intaan ka badan, “waxaa halis loogu jiraa inay helaan hub casri ah oo ka fiican midka dowladdu heysato, mar kasta oo ay awood teeshaan culeys weyn ayaa soo kordhaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Kaboole.

Inkastoo kooxahaan ay kala yihiin Shiico iyo Suni, waxaa xiriirkooda loo sababeynayaa in Shabaab ay aad u rabaan hub casri ah, halka Xuutiyiintu ay daneynayaan inay awood u yeeshaan maamulka Badweynta Hindiya 

Falanqeeye Axmed Kaboole ayaa dowladda Soomaaliya u soo jeediyey inay ka fikirto sidii ay uga hortegi laheyd in xiriirka Shabaab iyo Xutiyiinta uu dhaqan galo, iyadoo kaashaneysa caalamka, sidoo kale wuxuu ku taliyey in badaha Soomaaliya laga difaaco Al-Shabaab, si aysan hub ula soo degin

Post a Comment

0 Comments