Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo war culus kasoo saaray bixitaanka ATMIS

Axmed Madoobe iyo ATMIS

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam

 Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay bixista ciidamada howlgalka ATMIS, wuxuuna sheegay inay ku baxayaan jadwal qorsheysan oo ay tahay in loo diyaar garoobo

Waxaan ku talinayaa ciidamada ATMIS 

Waxaan ku talinayaa ciidamada ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM oo ku baxaya jadwal qorsheysan inay tijaabo u tahay ciidanka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliyeed oo aan u diyaar garowno ATMIS dhulka ay ajendaha iyo jadwalka kaga baxayso inaan la wareegno” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale saluug

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale saluug ka muujiyay diyaar garow la’aan uu sheegay inuu jiro, haddii ay baxaan ciidamada ATMIS, wuxuuna sheegay in bixitaankooda uu yahay tijaabo lagu sameynayo dowladda iyo ciidanka Soomaaliyeed arrintan waa jadwaleysan tahay waa qorshe waxna laga waydiin maayo waa baxayaan jadwal ayayna ku socdaan

Annaga diyaar garowgeena wuu liitaa, waana tijaabo oo ay way baxayaan fashilka ka yimaadaa waa mid xukuumadda taabanaya & ciidanka” ayuu raaciyay dhinaca kale waxa uu ka hadlay dagaalka adag ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo uu ugu baaqay shacabka inay ka qayb-qaataan howlgallada xoreynta ee haatan socda.

Waxaan rabaa inaan baaq u diro dada ku nool meelaha ay haystaan Al-Shabaab inay u diyaar garoobaan oo ay ka qayb qaataan ololaha Shabaabka lagaga xoreynayo deegaanada ay ku nool yihiin” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya

Ayada oo shalay ciidamada ATMIS ay wareejiyeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Cabdale Biroole kaas oo lagu wareejiyay ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeeda 

Xarunta ay wareejiyeen ciidamada ATMIS ayaa ah tii afaraad, inta uu billowdey wajiga seddexaad ee dhimista Ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka

Post a Comment

0 Comments