Ciidamada dowladda somalia oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab

Ciidamada dowladda

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Bakool, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab howlgalkan oo ay fuliyeen ciidanka guutada 9-aad ee qaybta 60-aad ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ku yaalla deegaano hoostaga degmada Waajid

Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socday

Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socday burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa maanta howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay saldhigyadii Khawaarijta ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceeljeedow, Ceeltuumed iyo Sijo oo ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran 

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa maamulka degmada oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka Waajid iyo Taliyaha Nabad Sugidda degmada dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Bakool Koonfur Galbeed ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka, waxaana howlgalladan ay qayb ka yihiin qorshaha Al-Shabaab looga xoreynayo maamulkaasi

Post a Comment

0 Comments