Muxuu ku soo dhamaaday kulankii maanta dhexmaray dowladda iyo mucaaradka

dowladda iyo mucaaradka

Kulankii maanta u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya 

 Kulankii maanta u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kusoo dhammaaday, iyadoo dhinacyadu isku afgaran waayeen qodobbada ugu muhiimsan ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ka dhacay gudaha xayndaabka aadka loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan, gaar ahaan xarun ay NISA ku leedahay halkaasi

Dhinaca dowladda waxaa kulanka uga qeyb galay 

Dhinaca dowladda waxaa kulanka uga qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, halka mucaaradka ay hoggaaminayeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed

Sida ay xoguhu sheegayaan, bilowgii kulanka 

Sida ay xoguhu sheegayaan, bilowgii kulanka waxaa goobta joogay xubno ka socday safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska oo door ku lahaa furitaanka wada hadallada, balse markii dambe uga baxay si madaxda Soomaalida ay si toos ah doodaha u sii wataan intii uu socday kulanka, mucaaradka ayaa ku adkeystay in si guud looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka, oo ay ku jiraan 

Kuwa maamul goboleedyada, iyagoo muujiyay walaac ku saabsan hannaanka hadda socda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Jaamac ayaa dhankooda difaacay qorshaha dowladda ee doorashada tooska ah, doorashadaas oo toos uga socota degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed

Madaxda dowladda ayaa sheegay in doorashadaasi tahay hannaan shacabka lagu ballaarinayo ka qeybgalka siyaasadda, islamarkaana loo baahan yahay in la diyaariyo farsamooyin lagu hirgelin karo madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dooday in aan laga gudbi karin muranka doorashooyinka ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo dhammeystiran oo ay qeyb ka yihiin dowlad goboleedyada

Mar kale ayaa kulanka dib ugu soo laabtay xubnihii ka socday safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska, kaddib markii doodaha ay sii adkaadeen ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in wada hadallada la sii wado, islamarkaana berri oo Khamiis ah kulan kale la isugu yimaado.

Post a Comment

0 Comments