Saraakiil Shabaab ah oo ay ku jiraan ajaaniib oo lagu duqeeyay gobolkashabelaha hoose


Kooxda alshabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ee Al-Shabaab duqeynta oo ka dhacday agagaarka deegaanka Kunyabarow ayaa waxaa lala eegtay saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxda, xilli ay ku dhuumaaleysanayay halkaasi

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa u sheegay in xubnaha

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa u sheegay in xubnaha la duqeeyay ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah oo ka barbar dagaalameysay Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo jeeda waddamo ka tirsan Carabta iyo Afrika Illaa saddex gantaan ayaa lasoo wariyay inay ku dhacday meel u dhow magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubanaha lagu duqeeyay oo ay ku jiraan kuwa sar sare

Inta la xaqiijyay ugu yaraan illaa 6 xubnood

Inta la xaqiijyay ugu yaraan illaa 6 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeynta, halka lagu dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo iska kaashada weerarada cirka ah ee lagu beegsado Al-Shabaab

Xaaladda goobta ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ku sugan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada aaggaasi Shabeelaha Hoose ayaa waxaa badanaa ka dhaca duqeymo iyo dagaallo xoogan oo dhex mara ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ee dalka u jooga nabad ilaalinta

Shalay ayaa ugu dambeysay labada dhinac ayaa ku dagaalamay deegaanka Bariire, kadib weerar aysoo qaadeen Al-Shabaab, kaas oo ay guul wayn ka sheegatay dowladda dhexe

Post a Comment

0 Comments