Muxuu yahay sarkaalka Ugandes-ka ee lagu dilay Soomaaliya ee la dhashay

sarkaalka Ugandes

Patrick Opio Away oo ahaa kabtan ka tirsan ciidamada Uganda

 Patrick Opio Away oo ahaa kabtan ka tirsan ciidamada difaaca dalka Uganda ee UPDF ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya, ayada oo lala dhaawacay ku dhawaad lix askari oo kale kadib markii kolonyo ciidan oo ay la socdeen ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay ninkan ayaa ka tirsanaa saraakiisha ciidanka shisheeye ee Soomaaliya ku sugan, waxaana qaraxa lagu dilay uu ka dhacay tuullada Ceel-waarigoow, oo qiyaastii 70KM jihada Koonfur Galbeed kaga beegan caasimadada Muqidsho

Kabtan Away ayaa ahaa taliyaha kolonyada ciidanka

Kabtan Away ayaa ahaa taliyaha kolonyada ciidanka lala eegtay weerarka miino, kuwaas oo xilligii ay la kulmayeen miinada ku sii jeeday deegaanka Ceel-jaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo markii hore ka ambabaxay Muqdisho, sida uu afhayeenka ciidamada Uganda Mr. Sekitto Weerarkan nama joojin doono, taas beddelkeeda wuxuu adkeyn doonaa go’aankeenna ah in aan sii wadno taageeridda dadaallada nabadeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Sekitto oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters

Sarkaalkan ayaa waxay walaalo yihiin 

Sarkaalkan ayaa waxay walaalo yihiin mid kamida madaxda siyaasadda ee dalka Uganda, kaas oo awood sare ku leh xisbiga tallada haye ee dalkasi, laguna magacaabo Richard Todwong todwong ayaa waxa uu ku magacaaban yahay xoghayaha guud ee xisbul xaakimka haya talada dalka Uganda ee lagu magacaabo National Resistance Movement (NRM), sidoo kalena waa xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaas

Todwong ayaa qoraal uu bartiisa X (ex-Twiter) uu soo dhigay ku muujiyay sida uga naxay geerida walaalkiisa, isaggoo xusay in Major Patrick Opio Away uu ka soo qayb-galay dagaalo fara badan oo ka dhacay dalalka Afrikada Dhexe, Bariga DRC Congo iyo Soomaaliya, uuna hawlgallo u aaday waddamadaas oo dhan, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “howl-gallo geesinimo lahaa”.

Noloshaadu waxay si naxdin leh u soo gaabatay saaka (7/7/2024) markii aad u adeegaysay qaaraddeena Afrika. Dhaxalkaagu ha waaro si aad u dhiiri geliso geesiyaal badan. Waligaa waxaan kugu hayn doonaa qalbiyadayada. Patrick, Wwaxaad ahayd wadani dhab ah,” ayuu yiri Todwong Kabtan Away ayaa sidaas ku galay liiska saraakiisha shisheeye ee dalkeenna u yimid nabad ilaalinta ee naftooda ku waayay

Post a Comment

0 Comments