Ciidanka dowladda somalia oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah

kooxda alshabaab

 Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta howlgallo culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa ka hortegay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ciidamada ay]Vaa howlgalladan waxay ay si gaar ah ugu fuliyeen inta u dhexeysa degaanada Mesagawaa iyo Baraak Sheikh Caamir, halkaas oo ay miinooyin ku aaseen Al-Shabaab

Saraakiisha milatariga Soomaaliya

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in waddadaas ay kasoo saaree miinooyin ay maleeshiyaadka doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka isticmaala halkaasi Sidoo kale ciidamada ayaa qarxiyay miinooyinka ay kasoo saareen waddada xiriirisa labadaas magaallo oo ay haatan ka howlgalaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka

Saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi

Saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay in dhulkaasi ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro kusoo qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla bariga gobolka Galgaduud xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay sii wadaan howlgalladooda, si ay uga hortegaan duulaan mar kale uga yimaada Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyo ah u dhiga kolonyada ciidamada dowladda ee isaga kala kooshaya deegaanadaas, waxaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan

Post a Comment

0 Comments