Dib miyaa loo qiimeyn doonaa xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya?

Dowlada somalia

Su’aallo iyo culays wayn ayaa ka dhashay dhacdadii

 Su’aallo iyo culays wayn ayaa ka dhashay dhacdadii hubka lagu boobay ee ka dhacday waqooyiga gobolka Galgaduud, kadib markii hub sharci darro ah oo ka yimid dhinaca Itoobiya uu u gacan galay shacabka ku dhaqan Caabudwaaq arrintan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana Soomaaliya kowdii December, ee sanadkii hore 2023 laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd muddada 31 sano

Saameynta ka dhalatay hubka lagu bililiqeystay

Saameynta ka dhalatay hubka lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ayaa hadda gaartay meeshii ugu darnayd, waxaana ka dhashay walaac xoogan, ayada oo  dowladda dhexe iyo Galmudug ay kasoo saareen warar kala duwan waxaase si isku mid ah ay u sheegeen inay ku dadaali doonaan soo celinta hubkaas dowladda ayaa ku dooday in hubka la boobay xilli ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada qaranka oo kala wareegay koox ganacsato ah oo si sharci darro ah dalka kusoo gelisay hubkaasi

Balse ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan

Balse ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan, kadibna ay sidaas ku furteen hubka madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho wuxuu durbo xogta hubkan la wadaagay Mareykanka, kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshay Shane Dixon oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ahna ku-xigeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Aragtiyo kala duwan oo xasaasi ah ayaa sidoo kale laga bixiyay arrintan, waxaana Xildhiban Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu qabaa in hubkan loogu talagalay in lagu wareejiyo kooxaha argagaxisada, si loogu laayo ciidanka iyo Macawiieyda degaanka hubkaas lagu dhacay Caabudwaaq Al-Shabaab ayaa loo waday si Macawisleyda loogu laayo, dadka Caabudwaaq waxaan leeyahay hubkaas yuusan ka bixin gacantiina, waa hub Soomaaliyeed oo amniga dalka lagu difaaci doono” ayuu yiri xildhibaan Maalik Cabdalla.

Dhinaca kale Somalilad oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso dowladda federaalka ayaa iyaduna ka hadashay hubka lagu dhacay duleedka magaalada Caabudwaaq, waxayna sheegtay inay ka imaan karto halis saameyn karta dalalka dariska iyo gobolka, iyada oo intaas ku dartay in lagu deg degay qaadista cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Somaliland ayaa sidoo kale beesha caalamka ka dalbatay in dib eegis lag sameeyo go’aankii cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Somaliland

Si kastaba, arrinta hubka oo noqotay mowduuc wayn oo taagan ayaa ah xujo wayn oo hortaalla dowladda dhexe, waxaana laga war dhowri doonaa halka ay ku dhammaato iyo jawaabta ay ka bixiso beesha caalamka

Post a Comment

0 Comments