Wafdi culus oo ka socda dowladda somalia oo gaaray degmada Caabudwaaq

 
dowladda somalia

Wafdi culus oo maanta ay dowladda federaalka Soomaaliya

Wafdi culus oo maanta ay dowladda federaalka Soomaaliya u dirtay degmada Caabudwaaq ayaa goordhoweyd gaaray degmadaasi oo ku taal Waqooyiga gobolka Galgaduud wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Fartaag ayada oo halkaas si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada

Wasiirka ayaa inta uu joogo deegaanka

Wasiirka ayaa inta uu joogo deegaanka waxa uu kulamo la qaadan doonaa maamulka iyo qeybaha bulshada deegaanka, xilli Isniintii duleedka degmadaas lagu bililiqeystay hub fara badan oo u gacan galay shacabka wasiir Fartaag iyo wafdiga uu horkacayo ayaa Caabudwaaq u tegay qorshaha dowladda ee soo celinta hubkaasi, ayaga oo la fariisan doona waxgaradka deegaanka, oo ay kala hadlayaan xaaladda taagan iyo halista ka dhalan karta hubka la boobay ee haddana u gacan galay shacabka

Dowladda federaalka ayaa waxay horay u sheegtay

Dowladda federaalka ayaa waxay horay u sheegtay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, iyada oo xilligaan u mareysa qaab wada-hadal ah iyo inay la tashato waxgaradka Caabudwaaq, taas oo hoos u dhigeysa xiisaddii ka dhalatay hanjabaaddii kasoo baxday dowladda dowladda Soomaaliya waxa ay ka xun tahay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadkaas wadada u galay ciidanka qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda qaran

Waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dowladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah,” ayaa horay lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Sidoo kale waxaa arrintan kasoo jawaabay Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo ah Ugaaska guud ee Beesha Sade oo nasiib darro ku tilmaamay in dowladdy ay u goodiso shacabkii gacanta ku dhigay hubkii sharci darrada ahaa ee lagu qabtay waqooyiga Galgaduud

Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka sharci darrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay waqooyiga Galgaduud,16-kii July 2024, hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, Galmudug iyo guud ahaan Dalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Galmudug iyo dowladda federaalka ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo dhaliyay walaac, maadaama uu galay gacanta shacabka

Post a Comment

0 Comments