Xildhibaan Caana-nuug: Farmaajo ma cafin doono aakhiro iyo adduun

Xildhibaan Caana-nuug

 Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug)

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay is hortaaggii lagu sameeyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed Farmaao ayaa sheegay in dhacdadaan ay hor-dhac u tahay “qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya

Isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu ka soo laabto 

Isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu ka soo laabto qorshahaan uu kaligiis ku mayal-adeygayo ee dastuurka wax looga bedelayo codkayga waxaan ku biirinayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey is hortaagga ka dhanka ah hadaljeedintii Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Xildhibaan Caana-nuug ayaa jawaabtiisa ku sheegay

Xildhibaan Caana-nuug ayaa jawaabtiisa ku sheegay in Farmaajo uu dalkan dhibaato ka gaystay, isaga oo tusaale usoo qaatay weerarkii Hoteel Maa’iida ee lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka ee ay kamid ahaayeen Xasan Sheekh iyo Shariiif duulaankii ka dhacay Hoteel Maa’ida, aniga waxaan kamid ahaa dadka ku jiray meesha ku jiray ee xabadda ku bilaabatay afar saac habeenimo, illaa waabarigii” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xildhibaanka uu isaga kamid ah dadkii ku sugnaa hoteelka, islamarkaana ay xabadda ku socotay saacado badan, isaga oo intaasi ku daray in uusan weligiisa cafin doonin madaxweyne Farmaajo Aniga aakhiro iyo adduun ma cafin doono, insha allah, sababtoo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ah xildhibaan qaran oo Hoteel deggan oo habeenkii oo dhan ay xabad ku socotay ayaan ahaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Caana-nuug.

Waxaa kale oo uu yiri “Madaxweynaha uu leeyahay hadal ayaa laga celiyay ayaa kamid ahaa dad u dilan oo isaga aakhiro u diray ayaa wuxuu leeyahay hadal ayaa laga joojiyay


Post a Comment

0 Comments