Ciidanka dowlada somalia oo soo afjaray Shabaab doonayay inay weeraraan degmada Ceeldheer

Ciidanka dowlada

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka, kaas oo lagu beegsaday Shabaab ciidamada huwanta ayaa ka hortegay weerar ay doonayeen inay AlShabaab kusoo qaadaan degmada Ceeldheer ee gobolkaasi

Waxayna soo afjareen kooxdii loo diyaariyay weerarkaasi

Waxayna soo afjareen kooxdii loo diyaariyay weerarkaasi, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Xoogga dalka guutada 24aad Khaalid Bin Walid CXD & kuwa Deegaanka ayaa Dagaal kooban ka dib so afjaray Khawaariijta dooneysay iney dhibaateyan Shacabka ku dhaqan degmada Ceeldheer” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay hayayeen xogta weerarka, kadibna ay sameeyeen ka horteg, isla markaana howlgalka uu ha dhacay duleedkaa degmada ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka oo helay Xogta dhagarta Argagixiso dooneysay iney weeraro Arbushaada ku qaadan Dagmada Ceeldheer ayaa looga hortagay Nawaaxiga Haanta Cagadheere,” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhinaca kale taliyaha guutada 24-aad Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalka ay sameeyeen ee ka dhacay gobokka Galgaduud Maxamed Dhagaweyne ayaa sheegay in howlgalka ay iska kaashadeen iyaga iyo ciidamada deegaanka ay jab culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya Maalmihii u dambeeyay ayaa ciidamada dowladda  iyo kuwa deegaanka waxay guluf ka dhan ah AShabaab ka wadeen gobollada dhexe, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaano badan

Post a Comment

0 Comments