Dowladda somalia waa in ay soo afjartaa kooxdan baneysatay dhiiga shacab kuna gambaneyso diinta islamka

Dowladda somalia

  Kooxda Alshabaab waxay dagaalka ay wado 

Kooxda Alshabaab waxay dagaalka ay wado u daliilsataa diin wadaniyad huwan oo si aftahanimo loo soo bandhigo iyadoo laga duulaayo dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka hareeyey maadaama kooxdaani ay inta badan tahay soomaali waxaa muuqata in aan dagaal keliya loo adkaan karin dagaalkooda fekeriga ah (ideology war) ayaa arrinta ka sii dhigaayo mid aan la dhayalsan karin

Waayo aragti/feker waxaa keliya lagu bedeli karaa

Waayo aragti/feker waxaa keliya lagu bedeli karaa aragti/feker sidaas darteed waxaan ku talinayaa in la helo istaraatejiyad/siyaasad afar dhinacle ah diin iyo wadaniyad si wanaagsan loo agaasimay taasoo xooga saareysa in dhalinyarada kooxda u dagaalanta ay ka haraan dhibaatada ay wadaan iyadoo la tusaayo dhibka ay keeneen inta uu le-eg yahay

Arrintaani waxay sidoo kale xoogga saareysaa

Arrintaani waxay sidoo kale xoogga saareysaa sidii shacabka iyo kooxda loo kala goyn lahaa waxaa muhiim ah in la bedelo ereyga dhaqan-celin maadaama uu muujinaayo in qofka dhaqankii ka xumaaday waxaan ku talinayaa in lagu bedelo ereyga dib-u walaaleyn ama digarogasho (u soo digarogo dib walaaleynta) waa in la helo dhaqaale loogu abuuro nolol wanaagsan iyo xirfado dhalinyarada kooxdan ka mid ah iyo kuwa kale ee la daalaa dhacaayo nolol-xumada iyo shaqo la’aanta

Waa in la dhiso xarumo lagu xanaaneeyo laguna horumariyo tayada adeegyadooduna ay aad u sareyaan waa in la helo awood ciidan tayo iyo tiro ahaanba aad ugu sareysa tan kooxda isla markaana loo qaabeeyo adeegsiga tabta daanyeeraynta (Gorrilla tactics) xeeladaan ayaa kooxda ku khasbi karta inay ka haraan awood sheegashada iyo qarka tuurnimada ay ku caan baxeen

Waa in la adeegsado xeelad siyaasadeed islama markaana kooxda lagu qanciyo miiska wadahadalka Inkasta oo caqabadaha hadda hortaagan nabadda, amniga iyo dowladnimada Soomaaliya ay aad u badan yihiin, islamarkaana ay taabanayaan meelo badan, waxaan maqaalkaan si kooban ugu soo bandhigayaa arrimaha aan isleeyahay waxay toorreey wadnaha ku taagan ku yihiin dowladnimada iyo soo celinta nabadda iyo maamul wanaag kahanaqaada Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments