Tan iyo sanadkii 2006, kooxda alshabaab waxay dileen shacab aan waxba galabsan iyo hanti fara badan waa in kooxda la soo afjaraa

 
Kooxda alshabaab

Qaraxyada iyo weerada ismiidaaminta ah 

Qaraxyada iyo weerada ismiidaaminta ah ee ay kooxdan seef la boodka fuliyaan ayaa sababa burbur xoog leh oo soo gaara hantida qaranka iyo midda dadka shacabka oo laga yaabo inaaney lahayn awood ay kaga kabtaan ama dib ugu yagleelaan waxaa wax laga naxo ah in khasaaraha dhaqaale ee ay keenaan dadka naftooda halliga ay dhacaan iyadoo aysan jirin cid isweydiisa iyo cid mas’uuliyadooda qaadata

Waxay noqotay arrin caadi ah in dadka dhiiggooda

Waxay noqotay arrin caadi ah in dadka dhiiggooda iyo hantitoodaba ay Alshabaab iyo kuwa ay isku hadafka yihiin baneystaan markasta oo Alshabab geystato dhibaato amni waxay dhaawac weyn ku tahay dowladnimo iyo nabad ka hana qaadda Soomaaliya arrintaan ayaa noqota marmarsiiyo ay faragelin kaga timaaddo dalal aan dooneyn Soomaaliya in ay ka dhalato dowlad awood u leh hanashada maamulka dalkeeda, soona celin karta sharaftii luntay ee dadka Soomaaliya

Qaraxyada iyo dilalka arxan darada ah

Qaraxyada iyo dilalka arxan darada ah ee ay geeystaan kooxaha xagjirka ayaa waxay sababaan dhaawacyo jireed iyo kuwo maskaxeed ama nafsi oo saameyn joogta ku yeeshay nolosha boqollaal kun oo qof waxaa nasiib darra ah inaan cidina ka war qabin dhaawacyada maskaxeed ee ay reebaan qaraxyada weerarada is-miidaaminta iyo qaarajinta isugu jira

Waxay dhaawacyada maskaxeed keenaan in waxba laga qaban waayo dad badan oo ay nolosha ka quustaan dhaawacyada maskaxeed ayaa waxay inta badan soo gaaraan dadkii goob joogga ka ahaa markii xasuuqa la geystay iyo ehelada dadkii la xasuuqay dadka qaba dhaawacyada maskaxeed ama nafsiga ah ee la il-daran naxdinta, welwel joogta ah, isla hadal/isku-buuq, quusta iyo rajo xumadda ayaa ku soo badanaya dalka gaar ahaan dhulka amni xumadu daashatay

Maadamaa dalka ay inta badan soo wajacdo masiibooyinka sida abaaro iyo daadad, waxaa badata baahida ay dadka iyo deegaanada dhibaatadu ka habsatay ay qabaan taageero meel kale laga keenay. Alshabab oo inta ay haysato khatar amni oo ka imaaney xooggaga la dagaalamaaya ayaa waxay qaataan talaabo kasta oo keenaysa inaan dadka baahan wax caawimo la gaarsiin karin

Arrintaan ayaa waxay keentaa barakac iyo qaxootimo tusaale waxaa loo soo qaadan karaa abaartii dhacday sanadkii 2011, xilligaas oo dad badan oo ku noolaa gobolada koonfureed ay u barakaceen xeryaha qaxootiga ee dhinaca Kenya iyo Ethiopia ku yaalo kooxahan xagjirka ah, waxay bartimaameedsanadaan cid walba uu ay u arkaan inaaney ku feker ahayn xoogdaani waxay dad ka ugaartaan masaajidyada ilaahay lagu caabudo

Maadaama gobihii ilaahay lagu caabudaayey lagu baxsan waayey, dad badan ayaa naftooda uga baqay inay cibaadada Alle ku gudaan masaajidyada. Waxay natiijada arrintaani noqotay in dadka masaajidyada ku cibaadeysanaya ay yaraadaan ama ay hub masaajidka la soo dhex galaan. Waxaa wax lala yaabo in dadka dhibaatadaan abuuray ay sheeganayaan inay arrimo diineed ka shaqaynayaan

Post a Comment

0 Comments