Caqabadaha hortaagan nabadda, amniga iyo dowladnimada Soomaaliya

Kooxda alshabaab

 Tan iyo sanadkii 2006 kooxda seef la boodka ah ee Alshabab

Tan iyo sanadkii 2006 kooxda seef la boodka ah ee Alshabab waxay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin u geysteen nabadda, dib-u dhiska dowladnimada, xoriyadda iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya Alshabab ayaa u dhaqanta si bahalnimo naxariis darro iyo jaahilnimo ku dheehan waxay caadaysteen inay dilaan cid kasta oo aan aaminsaneyn fikirkooda xagjirnimada ah isla markaana ay abuuraan jawi dalka ka dhigaayo meel aan la maamuli karin

Hab-dhaqanka iyo fikirka xagjirka ah ee ay Alshabab 

Hab-dhaqanka iyo fikirka xagjirka ah ee ay Alshabab qaadatay waxay keentay in dalka ay soo galaan ciidamo faran badan oo ajnabi ah hay’ado sirdoon ah iyo shirkado calooshood u shaqeysteyaal ah taasoo dhaawacday xoriyaddii iyo madaxbanaanidii dalka haddaba iyadoo qofkasta oo soomaali ah uu ogsoon yahay dhibaatada ay Alshabab u keentay dalka waxaan ku soo koobi karnaa dhibaatadooda

Waxay xilli kasta ku mashquulsan yihiin

Waxay xilli kasta ku mashquulsan yihiin sidii ay u abuuri lahayeen dhibaato amni oo aan si fudud looga soo kabsan karin waxay abuureen jawi keenaya inaan si fudud loogu guuleysan soo celinta amigii iyo kala dambeyntii luntay waxay u sahleen cidkasta oo rabta inay abuurto qas iyo jahawareer amni, in ay isticmaasho magaca Alshabab dhibaato weyna u geysato nafta iyo hantida dadka

Markasta oo Alshabab geystato dhibaato amni waxay dhaawac weyn ku tahay dowladnimo iyo nabad ka hana qaadda Soomaaliya arrintaan ayaa noqota marmarsiiyo ay faragelin kaga timaaddo dalal aan dooneyn Soomaaliya in ay ka dhalato dowlad awood u leh hanashada maamulka dalkeeda soona celin karta sharaftii luntay ee dadka Soomaaliya

Qaraxyada iyo weerada ismiidaaminta ah ee ay kooxdan seef la boodka fuliyaan ayaa sababa burbur xoog leh oo soo gaara hantida qaranka iyo midda dadka shacabka oo laga yaabo inaaney lahayn awood ay kaga kabtaan ama dib ugu yagleelaan waxaa wax laga naxo ah in khasaaraha dhaqaale ee ay keenaan dadka naftooda halliga ay dhacaan iyadoo aysan jirin cid isweydiisa iyo cid mas’uuliyadooda qaadata 

Waxay noqotay arrin caadi ah in dadka dhiiggooda iyo hantitoodaba ay Alshabaab iyo kuwa ay isku hadafka yihiin baneystaan weerarada bahalnimada iyo cadaawadda ku dhisan ee ay geeystaan kooxaha isqarxiya ayaa markasta galaafta nafta dad shacab ah oo aan waxba galabsan tusaale waxa loo soo qaadan karaa dhacdadii murugada iyo xanuunka badneyn ee 14 Oktoober, 2017 ee ka dhacday isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho iyo kuwa kaloo badan oo lagu xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan

Post a Comment

0 Comments