Sarkaalkii u dhashay dalka imaaraatka oo ka shaqeeyey amniga Muqdisho ee cadowgu dilay

Kooxda alshabaab

Shaki xoogan iyo su’aallo ayaa ka dhashay weerarkii

Shaki xoogan iyo su’aallo ayaa ka dhashay weerarkii toogashada ahaa ee habeen hore ka dhacay gudaha xerada Jeneraal Goordan, kaas oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal adag kula jirto dowladda toogashada ayaa waxaa fuliyay askari ka tirsanaa ciidanka lagu tababaray xeradan oo ay gacanta ku heyso dowladda Imaaraadka

Kaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed

Kaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed, isla markaana Al-Shabaab kasoo goostay 2021-kii, kadibna mar dambe qortay ciidamada askariga ayaa toogasho ku dilay saraakiil sar sare oo isugu jiro Soomaali iyo Imaaraati, waxaana kamid ahaa Maxamed Al-Mansouri oo ahaa sarkaalkii haystay xerada oo dhan

Korneel Cabdullahi Cali oo ka tirsan saraakiishii hore ee NISA 

Korneel Cabdullahi Cali Macow oo ka tirsan saraakiishii hore ee NISA ayaa bixiyay xog ku aadan sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay inay dhex gasho xerada Jeneraal Goordan sideedaba meel ay argagixiso ka dagaalameyso way dhuumaaleysataa dadka ayayna ku dhex jirtaa, waxaa waayey dariska ayay la joogtaa” ayuu wareysiga ku yiri Korneelka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxdan ay muddo dheer ka shaqeyneysay arrintan, isla markaana ay sameysay diyaargarow dhanka sirdoonka ah, kaas oo u suuragalay Kornel Macow waa in aan Damaanad kaliya la isku haleyn oo la baaraa Dadka Ciidamada loo qorayo Imaaradkana aan loo ogolaan in ay Xafiis Sirdoon ka sameystaan Habar Khadiijo sidii hada ka hor dhacday

Ciidamadda lagu qoro Xerodaan ayaa loo diraa Dadalal ay Uganda kamid tahay, si tababar halkaa ugu soo qaataan. waxaa sidoo kale  tababar dheeraad ah lagu bixiyaa isla xerada. Xerada ayaa loo isticmaal saldhig iyo Keeyd dib loogu adeegsado marka ay ciidamada tabaradda soo dhameeystaan Xero Goordon waxaa la xiray sannadkii 2018-kii kadib khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay wadamadda Khaliijka, markii xiriirka Soomaaliya  iyo Imaaraadka Carabta uu xumaaday

Imaaratka iyo dowladihii taageersanaananay go’doomiyeen Dalka Qatar oo dowladii xiligaas ay la aheeyd saaxiib dhaw. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaa mar kale dib u hagaagay kadib dib u dorshadii Madacweyne xasan sheeekh Lagasoo Bilaabo Bisha May 2022, Macalimiinta Ciidan ee Dowlada Imaaraadka waxay dib ugu soo laabteen Xiradii la xeray ee Gordon, iyagoo dib boorka kaga uga jafay tababaradii ciidamada Soomaaliya ay siinayeen iyo taageerrada militari, 

Sanadii 2022-kii Imaaraadka waxa uu tababar siiyay shan guuto oo ciidan,  guutooyinkaan Sedex kamid ah waxeey toos uga qeeyb qaataan howlgallada Xoogga dalka ay ku qaadeen kooxda Khawaarijta ah ee AS,  Gutooyinka kale ayaa ah kuwa Wax weeyn ka badalay Aminga Caasimada Muqdisho, waana gutooyinka loo yaqaan Booliska u howlgala sida Militariga ee haaya amniga caasimada. kuwaas fadhisimo ku leh Xero Hiilweeyn, Deegaanka Jaziira, Carbiska, Sarta Xaawa Casir, iyo Fadhiisimo kale oo ay ka sugaan Aminga Caasimada 

Post a Comment

0 Comments