Dowladda Soomaaliya Maka Guulaysan Kartaa Shabaab Iyada oo aan Helin Xulufo

Dowladda Soomaaliya

 Qaraxyada iyo dilalka arxan darada ah

Qaraxyada iyo dilalka arxan darada ah ee ay geeystaan kooxaha xagjirka ayaa waxay sababaan dhaawacyo jireed iyo kuwo maskaxeed ama nafsi oo saameyn joogta ku yeeshay nolosha boqollaal kun oo qof waxaa nasiib darra ah inaan cidina ka war qabin dhaawacyada maskaxeed ee ay reebaan qaraxyada weerarada is-miidaaminta iyo qaarajinta isugu jira

Waxay dhaawacyada maskaxeed keenaan in waxba

Waxay dhaawacyada maskaxeed keenaan in waxba laga qaban waayo dad badan oo ay nolosha ka quustaan dhaawacyada maskaxeed ayaa waxay inta badan soo gaaraan dadkii goob joogga ka ahaa markii xasuuqa la geystay iyo ehelada dadkii la xasuuqay. Dadka qaba dhaawacyada maskaxeed ama nafsiga ah ee la il-daran naxdinta, welwel joogta ah, isla hadal/isku-buuq, quusta iyo rajo xumadda ayaa ku soo badanaya dalka gaar ahaan dhulka amni xumadu daashatay

Kooxda Alshabab waxay keentay in aaanan waxba la ixtiraamin

Kooxda Alshabab waxay keentay in aaanan waxba la ixtiraamin oo cidkasta dhiigeeda, maalkeeda iyo sharafkeeda la baneysto dhaqanka soomaaliyeed ee suuban wuxuu dhowraa waxa loo yiqaano “Bir-mageydo” oo ah in dilka lagala xishoodo dadka nugulka ah (caruurta, haweenka, waayeelks IWM) iyo dadka xurmadleyda ah sida culimadda diinta, oday-dhaqameedyada, gabyaaga, aqoon yahanka, dadka samafalka ka shaqeeya IWM

Waxay keeneen inaan waxba laga xishoon cidna aan la badbaadin arrintaan waxay naafeysay hab-dhaqankii bulshada, iyadoo sii fogeeyeysay xallinta dhibaatooyinkii dhacay falsafadda iyo aragtida siyaasadeed ee kooxdaan ayaa ah inay kala gooyaan xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo shacabka waxay qasab ka dhigaan inaan qofna ka hadli karin waxa ka socda deegaanka uu ku nool yahay ee ku mashquulo naftiisa iyo sida uu ku badbaadi karo keliya

Ma jirto meel aduunka ka mid ah oo qofku si sharaf leh ugu noolaan karo dowlad la’aan iyo xorriyad la’aan kooxahaan seef la boodka ah waxay dadka ku qasbayaan inaan go’aan iyo talo lagu yeelan dadka madaxda u noqonayo sida ay kuu maamulayaan iyo sida aad ula xisaabtami lahayd waxay dadkii ku abuureen cabsi iyo argagax xad-dhaaf ah taasoo ku kalliftay inaan qofna iyaga waxba ka sheegi karin waxna u sheegi karin

Kooxahan xagjirka ah, waxay bartimaameedsanadaan cid walba uu ay u arkaan inaaney ku feker ahayn xoogdaani waxay dad ka ugaartaan masaajidyada ilaahay lagu caabudo maadaama gobihii ilaahay lagu caabudaayey lagu baxsan waayey dad badan ayaa naftooda uga baqay inay cibaadada Alle ku gudaan masaajidyada

Waxay natiijada arrintaani noqotay in dadka masaajidyada ku cibaadeysanaya ay yaraadaan ama ay hub masaajidka la soo dhex galaan waxaa wax lala yaabo in dadka dhibaatadaan abuuray ay sheeganayaan inay arrimo diineed ka shaqaynayaan maadamaa dalka ay inta badan soo wajacdo masiibooyinka sida abaaro iyo daadad, waxaa badata baahida ay dadka iyo deegaanada dhibaatadu ka habsatay ay qabaan taageero meel kale laga keenay

Alshabab oo inta ay haysato khatar amni oo ka imaaney xooggaga la dagaalamaaya ayaa waxay qaataan talaabo kasta oo keenaysa inaan dadka baahan wax caawimo la gaarsiin karin arrintaan ayaa waxay keentaa barakac iyo qaxootimo tusaale waxaa loo soo qaadan karaa abaartii dhacday sanadkii 2011, xilligaas oo dad badan oo ku noolaa gobolada koonfureed ay u barakaceen xeryaha qaxootiga ee dhinaca Kenya iyo Ethiopia ku yaalo

Post a Comment

0 Comments