Qarax dad badan lagu laayey ayaa xalay ka dhacay magaalada muqdisho ee caasimada dalka

Kooxda alshabaab

 Ku dhawaad 10 qofood oo la socotay gaari BL ah

Ku dhawaad 10 qofood oo la socotay gaari BL ah (Home) iyo Mooto Bajaaj ayaa xalay ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho qarax ahaa miinada nooca soo booda ayaa qabsaday shacabkii la socday gaariga BL-ka ah iyo mooto Bajaaj-ta waxaana halkaas ku geeriyooday oo ay meydadkooda aragtay 9-qof waxaana intaas ka badan karta tirada dhimashada

Sidoo kale dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas

Sidoo kale dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa laga qaaday goobta, waxayna dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen in qaraxaasi uu ahaa miino ka soo booday laamiga geeskiisa khawaarijta Al-Shabaab ayaa qaraxa caawa dadka lagu laayey dhigtay isgoyska Soos ee degmada Heliwaa, waxaana ka dhalatay musiibo culus

Ciidamada amniga iyo gaadiidka gurmadka deg degga

Ciidamada amniga iyo gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa gaaray goobta oo soo daabulay dhaawacyada iyo meydadka dadkii ay qaraxa ku laysay argagixisadu kooxda Al-Shabaab uma naxdo shacabka, waxayna inta badan dhagartoodu haleeshaa dad rayid ah oo aan waxaba galabsan, sidoo kale kama damqadaan, kamana fogaadaan waxyeeleynta shacabka.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa caawa ku soo aaday iyadoo dadka reer Muqdisho ay dhowrkaan bilood ka reysteen gumaadkii ay ku heysay Khawaarijta Al-Shabaab, kadib markii ciidamo gaar ah loo sameeyey amniga caasimadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalkii ugu adkaa gelisay sugidda amniga Muqdisho, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in amniga Muqdisho ay muhiim u yihiin howlgallada ay ciidamada dowladdu ka wadaan gobollada dalka, maadaama ay duurka gog ku fashilinayaan qaraxyadii dadkaan lagu dhibaatey jiray

Post a Comment

0 Comments