Sarkaal AlShabaab kasoo goostay oo isku dhiibay ciidanka dowladda

Sarkaal AlShabaab

 Cabdi Macallin Cabdulle kana tirsanaa saraakiisha kooxda AlShabaab

Cabdi Macallin Cabdulle oo magaciisa afgarashadu yahay (Xamza), kana tirsanaa saraakiisha kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta 60-aad xamza ayaa kooxda ka tirsanaa muddo 5 sanno ah, wuxuuna u qaabilsanaa dhanka Jabhadda, sida ay sheegeen saraakiisha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale ninkan ayaa kasoo qayb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Baay, Bakool, Galgaduud, Hiiraan, Gado iyo Jubbada Hoose Cabdi Macallin Cabdulle ayaa sidoo kale wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda wuxuu uga hadlay waayihiisa Al-Shabaab, isaga oo sheegay inuu abaabul ku lahaa qorsheynta bartilmaameedyada weerarada lagu fuliyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda

Weerarada uu ka qayb qaatay

Weerarada uu ka qayb qaatay, waxaa kamid kuwa ka dhacay deegaanada kalaa Ceel Lahaley, Masagawaa, Buulle Burde, Jalalaqsi, Cowswayne, Daaru-nimca iyo Rabdhuure sababta uu isku soo dhiibay ayuu ku sheegay inay tahay dhibaatada hadda ka dhex jirta Al-Shabaab iyo inuu u adkeysan waayey gulufka culus ee lagu hayo kooxda

Sidoo kale wuxuu farriin u diray saaxibadiisii hore

Sidoo kale wuxuu farriin u diray saaxibadiisii hore, isaga oo ugu baaqay inay isku soo dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, maadaama lasoo dhaweeyay maalmihii u dmabeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo baxaya Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhayay, waxaana sababta lagu sheegay dagaallada lagu qaaday

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka, saaxibada caalamiga ah iyo dadka deegaanka

Post a Comment

0 Comments