Ciidanka dowladda somalia oo burburiyay saldhigyo ay kooxda alshabaab ku lahaayeen gobolka Bakool

Kooxda alshabaab

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed 

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta dalka howlgalladan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf iyo Taliyaha Ururka 260-aad, Onkod Macalin Aadan

Waxaana ay ciidamadu ku gaareen deegaanka Dhurey

Waxaana ay ciidamadu ku gaareen deegaanka Dhurey iyo tuulooyin kale oo u dhow degmada Waajid saraakiisha howlgalllada sameeyay ayaa sheegay inay burburiyeen saldhiyo ay kooxda ku lahayd halkaasi, ayna gaarsiiyeen khasaare culus, sida ay hadalka u dhigeen

Sidoo kale  waxa ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan aagga Bakool, si looga Al-Shabaab looga xoreeyo deegaanada gobolkaasi dhankiisa guddoomiya degmada Waajid Maxamed Macallin Yuusug oo ka hadlay howlgalada ayaa sheegay in haatan ay diyaar u yihiin ka qeyb-galka wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee la filayo inay ka billowdaan deegaanada Koonfur Galbeed

Maxamed Macalin ayaa sidoo kale farriin u diray dadka deegaanka

Maxamed Macalin ayaa sidoo kale farriin u diray dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay ciidamada huwanta ku taageeraan dagaalka adag ee ay kula jiraan Al-Shabaab Baay iyo Bakool ayaa kamid ah meelaha ay haatan ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo culus oo gaysta khasaare kala duwan

Post a Comment

0 Comments