Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo Wadajir Kaga Hadlay Dagaalka Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya

 Shirjiraa’id oo ay Si wadajir ah u qabteen dowlada iyo atmis

Shirjiraa’id oo ay Si wadajir ah u qabteen Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya  iyo Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo looga hadlay guulihii ugu dambeeyay ee laga gaaray dagaalada ka dhanka ah  Al-Shabaab waxaana shirka jaraa’id  Shacabka Soomaaliyeed oo looga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen howlgaladaasi, oo lagu xusay doorkii ciidamada deegaanka ee qeybta ka ahaa dagaalkii wajiga koowaad ee dagaalka Al-shabaab 

Kaas oo looga saaray deegaanno dhowr ah.

Kaas oo looga saaray deegaanno dhowr ah shirka jiraa’id oo ay maanta Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Daa’uud Aweys Jaamac iyo Ergeyga Gaarka ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef oo lagu qabtay xarunta ATMIS ee Howlgalada Midowga Afrika ee Xalane Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Daa’uud Aweys Jasmac ayaa  kaga hadlay Guulihii ugu dambeeyay ee laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo shacabkla Soomalaiyeed kaga mahad celiyay  kaalintii ay ka qaateen howlgallada

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in 2024-ka ay la wareegi doonan Amniga Guud

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Ciidamada Qaranka oo 2024-ka ay si buuxda ula wareegi doono Amniga Guud ee Dalka, marka ay baxaan ciidanka ATMIS,.Horumarka laga sameeyay Dib u eegista Dastuurka, Dhaqaalaha, Deyn Cafinta, La dagaalanka Masuq-maasuqa, Dadaalada Madaxda Qaranka ee ku wajahan Nabad ku soo dabaalidda dalka ergeyga Gaarka ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef oo ka hadlayay Shirkajiraa’id ayaa faah faahin ka bixiyay Wejigii koowaad ee Dib u celinta ciidamada Amisom oo la soo gabo gabeeyay 

Wuxuu cambaareeyay qaraxii xerada qorshaha xiga ay dib u celinayaan saddex kun oo kale bilaha xiga dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ka qeybgalka Midowga Afrika Howlgalada lagu xoreynayo magaalooyinka iyo tuulooyinka, Guulaha horumarka dhaqaalaha iyo taageerada xasiloonida dalka ee DFS iyo kulamadii uu la qaaray mas’uuliyiinta DFS

Shirka jiraa’id ayaa ku soo beegmay iyadoo ay si xoog  leh gudaha dalka looga dareeminkaro dadaalka ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ugu jiraan dagaalka ka dhanka Al-shabab, waxaana la filayaa in dhowaan dalka uu ka bilowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-shabab

Post a Comment

0 Comments