Raggii Dhaqtarka iyo Macallinka ku hor dilay hooyadood oo lasoo qabtay

 
Kooxda alshabaab

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa NISA

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa NISA ayaa maanta gacanta kusoo dhigay raggii ka dambeeyay dil maalin kahor tuulada Ilix ee hoostagta Ceeldheer loogu gaystay Dhaqtar iyo Macallin walaalo ahaa, kaas oo salka ku hayay aano qabiil jowlgalka lagu soo qabtay eedeysanayaasha ayaa waxaa fulisay hay’adda NISA, ayada oo afarta eedeysane oo baxsad ah lagu qaabtay gobolka Shabeelaha Dhexe 

Maamulka degmada Guriceel

Maamulka degmada Guriceel oo kaashanaya laamaha Amniga ayaa Gacanta ku dhigay gacan eedaysanayaasii kiiskii dilka 2dii wiil ee walaalaha ahaa ee lagu dilay agagaarka deegaanka Ilix ee dhaca duleedka deegaanka Ceeldheere oo hoostaga Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamulka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Sidoo kale mas’uuliyiinta iyo hay’adaha amniga ayaa sheegay in raggan si deg-deg ah loo horgayn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan eedeysanayaasha ayaa loo haystaa Allaha u naxariisteen dilkii loo gaystay Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan

Labada marxuum ayaa ahaa laba da’ oo isku xigtay 

Labada marxuum ayaa ahaa laba da’ oo isku xigtay  30 sano iyo 28 sano ayay kala jireen, sida uu sheegay Farxaan Cabdullahi Cali oo ka mid ah ehellada walaalahay gacan ka xaqdaran ayaa dishay. Macalin Liibaan Xasan Cismaan waligiis quraanka ayuu dadka bari jiray, Dr Axmed Xasan Cismaan deeganka waa ka maqnaa oo waxbarasho ayuu Muqdisho iyo Nairobi u jiray oo hadda ayuu dib ugu soo laabtay,” ayuu yiri Farxaan,

Dilka Dhaqtarka iyo Macallinka ayaa argagax ku reebay ehelladooda iyo dadka degan tuulada, maadaama ay lasoo daristay cabsi aad u xoogan Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ugu dambeeyey dilkii Dhuusamareeb loogu gaystay Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo kasoo jeeda magaalada Cadaado

Post a Comment

0 Comments