Gaari ay la socdeen xubno Al-Shabaab ah oo la duqeeyay

Kooxda Alshabaab

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo xalay ka dhacay deegaano dhaca koonfurta gobolka Muudg, kuwaas oo lala eegtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi duqeynta koowaad ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan kooxda oo marayay deegaanka Baraag Cali Gaduud oo u dhow Xarardheere, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah

Sidoo kale diyaaradaha duqeymaha fuliyay ayaa beegsaday goob kale oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo iyana ku taalla koonfurta Mudug Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in la burburiyay gaariga lala beegsaday duqeynta, sidoo kalena khasaare culus la gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab

Waxay sidoo kale saraakiisha intaasi ku dareen

Waxay sidoo kale saraakiisha intaasi ku dareen in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka baxay dhanka degmada Xarardheere ay hadda kusii siqayaan deegaanada la duqeeyay, si ay Al-Shabaab uga saaraan halkaasi dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaiya gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta

Post a Comment

0 Comments