Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo ka dhacay gudaha degmada Ruun-nirgood

Kooxda alshabaab

 Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo ka dhacay gudaha degmada Ruun-nirgood oo ay maanta la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay Al-Shabaab ku xireen xarunta degmadaasi, ka hor inta aysan ka bixin halkaasi

Guddoomiyaha Ruun-nirgood Macallin Muxudiin

Guddoomiyaha Ruun-nirgood Macallin Muxudiin oo la socday ciidamada gudaha u galay degmadaas ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in qaraxa lagu xiray xarunta degmada, islamarkaana ujeedka uu ahaa in lala eegto ciidamada dowladda

Qaraxaas waa dhacay ciidamada ayay u dhigeen

Qaraxaas waa dhacay ciidamada ayay u dhigeen ilaah ayaa ka badbaadiyay wax dhibaato ah kama dhicin, wuxuuna ka dhacay bartaha xarunta degmada Ruun-nirgood,” ayuu yiri sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaraxa ay ka bad-baadeen, balse uu ka dhacay meel aad ugu dhow, xilli ay ku howlanaayeen inay baaris ku sameeyaan goobta

Ilaah ayaa naga badbaadiyay annaga meel horteenna ah oo noo jirta dhowr tallaabo ayuu ka dhacay ayuu mar kale yiri Macallin Muxiyadiin Waxaa kale oo uu sii raaciyay ciidamada ayaa lugta ku galay waa la hareereeyay qolada miinada inta aysan soo gelin ayuu dhacay qaraxa

Macallin Maxudiin oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in kooxda Al-Shabaab ay horay usii kaxeysatay shacabka degmada, isla-markaana ay la aadeen dhanka dhulka howdka ah Shacabka saaka ayay kusoo dheelmadeen beledkana waa ka saareen, waana ogeyn markaan kusoo soconay in wax shacab ah aysan joogin” ayuu ku daray

Degmadan oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badna isku bed-bedalay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, maadaana dhulka hawdka ah ay ku xoogan tahay kooxda, halkaas oo ay dhowr bilood ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments