Ciidamada dowladda soomaaliya oo hareereeyay deegaan ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab

kooxda alshabaab

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay guluf culus ku qaadeen deegaanka Yacgoos ee gobolkaas, halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay hareereeyeen deegaankaas oo ku yaallo dhul buuro ah, waxayna haatan ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus

Ujeedka ayaa inay Al-Shabaab laga saaro deegaankaas

Ujeedka ayaa inay Al-Shabaab laga saaro deegaankaas oo ay muddo dheer ku sugnayd, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Soomaaliya ee ku sugan halkaasi Al-Shabaab ayaa dhankeeda dhaq-dhaqaaq ka wada buurta deegaanka Yacgoos, si ay isaga difaacdo duulaanka ciidamada Xoogga iyo kuwa dad deegaanka ee ku dhow deegaankaasi

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo ay ka socdaan mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana gobolkaas gaaray ciidamo horleh oo ay gaysay dowladda dhexe

Maalin kahor ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay Al-Shabaab kala wareegeen saldhig wayn oo ku yaalla buurta lagu magacaabo Badbad oo ku taalla duleedka degmada Xararardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalladan ayaa waxaa sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan dhulka hawdka ee ku yaalla gobolkaasi Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwantaa

Post a Comment

0 Comments