Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in dowladdiisa ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhiseyso buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq

Daadadka El-Niño

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo shalay gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayaa halkaasi uga dhowaaqay ballan-qaad muhiim ah ra’iisul wasaaraha ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsaha badan ku dhiseyso buundooyin muhiim ah oo go’ay kadib markii deegaanada gobolka Gedo ay ka da’aan roobab mahiigaan ah iyo kuna soo rogamadeen daad xooggan

Dowladda somalia waxay dhiseysa buundooyinka

Waxaan safaro kale ku imaan doona magaalooyinka kale ee gobolka Gedo. Dowladda Soomaaliya waxay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhiseysa buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si lo soo celiyo amniga, nolosha iyo isu socodka bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in dowladda ay intii karaankeeda ah wax ka qaban doonto xaaladaha ka dhashay daadadka iyo fatahaada ee saameynta ku yeelatay dadka shacabka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa degmada Doolow ee gobolka Gedo, wuxuu u kuur-galay xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow, oo biyuhu ay wada gaareen, si weyna u saameeyeen gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments