Al-Shabaab oo markale weerar ku qaaday xerada ATMIS ee Buulo-mareer

 
Kooxda alshabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose weerarka kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyo ciidamada ku sugnaa halkaasi

Ilo dadka deegaanka ah 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, maadaama ay ahayd xilli habeen ah

Wararka ayaa intaasi kusii daray in ciidamada ATMIS

Wararka ayaa intaasi kusii daray in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana aagga magaalada haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS

Horay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale usoo weerartay ciidamada ATMIS ee deggan magaalada Buul-mareer], halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 57 askari askarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab

Taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaan badanaa ay ka gaystaan weeraro ay ku qaado saldhigyada ku yaalla gobolkaasi

Post a Comment

0 Comments