Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya oo ku dagaalamay duleedka Gaarisa

 
kooxda alshabaab

Dagaal u dhaxeeya ciidamada kenya iyo alshabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Kenya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah ismaamulka Gaariga, kaas oo ku billowday qarax, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubnaha kooxda Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ku socdaalayay inta u dhexeysa deegaanada Dhadhaab iyo Xagardheer, waxaana xigay dagaal dhex-maray labada dhinac

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo ahaa mid kooban, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Kenya Al-Shabaab oo war qoraal soo saartay ayaa iyadu sheegtay inay dagaalkaasi ku gubtay gaari ay leeyihiin ciidamada Kenya, balse ma shaacin khasaare kale.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana ciidanka Kenya ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan qaybo kamid ah ismaamulka Gaariga oo ah halka lagu dagaalamay weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay sugaan amniga guud ee deegaanadaasi

Sidoo kale weerarkan ayaa qayb ka noqonaya isku dayada hubeysan ee ay Al-Shabaab ka wado gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ay ku beegsaneyso ciidanka Kenya iyo safareyda si kastaba, weeraradan ayaa kordhay todobaadyadii u dambeeyay, waxaana dhowr qarax iyo weeraro toos ah ay ka dhaceen deegaano u dhow xadka ay wadaagaan labada dal

Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isla-markaana la dagaalama kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo

Post a Comment

0 Comments