Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada

Madaxweyne Xasan Sheekh

Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya

 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah, kaasi oo uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shirkaan ayaa waxaa looga hadlayey saameynta ka dhalatay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan gurmadka 

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan gurmadka socda ka dhageystay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo sheegay in xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay wax u qabashada dadka soomaaliyeed ee ay saameysay El-Niño Madaxweynaha oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu ku ammaanay xukuumadda dadaalka ay gelisay samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka iyo daadadka, isaga oo ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in dadka looga digo inay ka fogaadaan goobaha qatarta ah, sida meelaha godan iyo goobaha biyo mareennada ah guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale, oo kulankan aan caadiga ahayn ka qayb-galay ayaa wuxuu Golaha warbixin ka siiyay saameynta roobabku ku yeesheen gobolka Banaadir iyo dadaalka la xiriira arrintan ee uu wado maamulka gobolka

Ugu dambeyntiina waxaa kulanka golaha lagu meel-mariyey xeer-nidaamiyaha nidaamka xaqiijinta macaamilaadka maaliyadeed iyo hubinta tayada Isgaarsiinta, kaasi oo looga gol-leeyahay in lagu maamulo dhammaan arrimaha la xiriira la-socodka iyo kor-joogteynta macaamilaadka iyo tayada adeegyada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka

Post a Comment

0 Comments