Taliska ciidanka xoogga oo war kasoo saaray qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad

Kooxda alshabaab

Taliska ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed

Taliska ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax maanta ka dhacay afaafka hore ee xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaasi oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa war ka soo baxay Taliska ciidanka dhulka XDS ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ay toogteen dhagar-qabe waxyaabaha qarxa isku soo xiray, oo doonayay inuu waxyeelo gaarsiiyo ciidanka

Taliska ayaa shaaciyay in ninka la toogtay

Taliska ayaa shaaciyay in ninkaan uu qorshihiisa ahaa oo uu doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga galo xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho bayaanka kasoo baxay Taliska ayaa sidoo kale waxaa lagu cadeeyay in uusan jirin wax khasaare ah oo gaaray ciidanka, marka laga reebo dhagar-qabihii naftii haliga ahaa ee ciidanku toogteen inta uusan is qarxin.

Ciidanka Qaranka habeen iyo maalin waxeey u taagan yihiin inay ka hortagaan dhagarta khawaarijta iyo ciribtirkooda,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri bayaanka kasoo baxay Taliska ciidanka dhulka XDS sida ay ogaatay is-miidaamiyaha ayaa doonayay inuu beegsado ciidamo saf ku jiray oo ku sugnaa halkaasi, balse waxaa ka shakiyay ciidamada ammaanka oo rasaaseeyay, kadibna uu sidaas ku qarxay

Kuliyadda Jaalle Siyaad

Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa 24-kii Luuliyo ee sanadkan waxaa uga dhacay weerar kan lamid ah oo lagu dilay askar badan, kadib markii uu isku dhex qarxiyay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab weerarkaasi ayaa waxaa la xasuusta inuu ka dhashay tuhun xooggan, ayada oo xilligaasi loo soo xiray saraakiil ka tirsan dowladda federaaalka ah ee Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments