Axmed Madoobe oo war kasoo saaray xaaladda jubbaland

Axmed Madoobe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbland

 Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbland, Mudane Axmed Madoobe ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada maamulkaasi, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtootada ee magaalada Kismaayo shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay saamaynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan Soomaaliya

Axmed Madoobe oo shirka kadib la hadlay warbaahinta

Axmed Madoobe oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay Jubbaland Madaxweynaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aan wanaagsanayn isla-markaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag 

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dad gaaraya illaa 450,000 oo qoys uu saameeyay roobka, iyadoo 90,000 oo qoys ay ku barakaceen waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ay weli go’doonsan yihiin dad gaaraya 70,000 oo qoys, kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro

Dhanka kale waxa uu shaaciyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay roobabkan ku dhuftay gobollada Jubbaland, oo ay weli ka taagan tahay xaalad halis ah dad gaaraya 14 qof ayaa ku dhintay fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey 6 qof ayaa ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof” sida uu xaqiijiyey madaxweyne Axmed Madoobe

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay daadadkan soo rogmaday, waxaana dadaal wadda dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta iyo shalayba doomo u diray gobolka Gedo, si loogu badbaadiyo shacabka go’doonsan

Post a Comment

0 Comments