Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo qabatay 25 qof oo loo waday in kooxda Al-Shabaab ay ku biiraan

Kooxda alshabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA 

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ka warbixisay howlgal culus oo ay maanta ciidamada ammaanka ka sameeyeen duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay illaa 28 qof oo 25 kamid ah ay oo doonayeen inay ku biiraan xubnaha kooxda Al-Shabaab

Dhalinyaro rabeen in ay alshabaab ku biiraan oo gacanta lagu qabtay

Isla-markaana gacanta lagu dhigay xilli ay ku socdaalaayeen meel u dhow magaalada Afgooye hay’adda ayaa sheegtay in dadka la qabtay ay ku jiraan wiilal ay da’dooda yar tahay, loona waday inay ka barbar dagaalamaan kooxda Al-Shabaab

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in isna gacanta lagu dhigay darawalkii gaariga ku waday ragga la qabtay, balse ma shaacin hay’adda halka ay kusii jeedeen 28-ka qof ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay loo waday in la askareeyo kuna biiraan xubnaha Al-Shabaab” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay taliska hay’adda NISA

Dhammaan dadka lasoo qabtay oo hadda ku jira gacanta Nabad-Sugidda

Dhammaan dadka lasoo qabtay oo hadda ku jira gacanta Nabad-Sugidda, waxaana ku socda baaritaano dheeraad ah oo ay ku hayaan saraakiisha laamaha ammaanka Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gudaha caasimada iyo magaalooyinka u dhow, si loo xaqiijiyo amniga.

Soo qabashada raggan ayaa sidoo kale ku aadeysa, xilli haatan Al-Shabaab ay ku socdaan howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka si kastaba, dagaalladan ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo sidoo kale looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments