Culimada Ahlu-sunna waljamaaca ee deegaanada Koonfur Galbeed ayaa wacad ku maray in ay hoggaaminayaan halganka Khawaarijta looga xoreynayo Koonfur Galbeed.

Ahlu Sunna iyo kooxda alshabaab

Culimada Ahlu Sunna Wajamaaca, 

Culimada Ahlu Sunna Wajamaaca, garabka Koonfur Galbeed oo Jimcihii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab Ahlu Sunnada Koonfur Galbeed ayaa shirkeeda kasoo saartay go’aanno culus oo ku aadan howlgallada la filayo inay dhawaan ka billowdaan saddexda gobolka ee maamulkaasi

Ahlu sunna oo ku soo biirtay dagaalka alshabaab

Bayaan kasoo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Ahlu Sunna ay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dagaalkaaas, ayna wax ka hoggaamin doonto howlgallada xoreynta ee Koonfur Galbeed qodobada war-murtiyeedka waxaa kamid ah in Ahlu Sunna Waljamaaca ay dowladda Soomaaliya ku garab taagan tahay la dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri

Ahlu suna ayaa garab weydiisatay dowlada si alshabab layska xureeyo

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa ugu baaqaday dadka deegaanka iyo maamulkooda inay u midoobaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro halkaasi waxay soo saareen culimada Ahlu Sunna Wajamaaca ee deegaanada Koonfur Galbeed in loo midoobaa la dagaallanka argagixisada” ayaa lagu yiri bayaanka Ahlu Sunna

Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa ka dalbatay dowladda dhexe inay ku garab istaagto halganka ay rabto inay wax uga xoreyso deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya waa inay wasaaradda awqaafta ay si buuxda u garab istaagtaa culimaa u diinka Ahlu Sunna Wajamaaca fikirkooda” ayaa mar kale lagu yiri war murtiyeedka

Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo Koonfur Galbeed, waxaana haatan soconaya diyaar garowgii ugu dambeeyay

Post a Comment

0 Comments