Dowladda soomaaliya oo go’aan culus ka gaartay dagaallada qabaa’ilka farriina u dirtay maamuladda Hirshabelle iyo Galmudug

 
Dowladda soomaaliya

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay dagaallada qabaa’ilka ee ka socda gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ugu horeyn wasiir Fiqi ayaa is dul taagay meelaha ay shaqaaqooyinka qabaa’ilku ka dhaceen muddooyinkii u dambeeyey, isagoo ku bilaabay dilkii xalay Dhuusamareeb loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeday Cadaado taas oo aad looga xumaaday

Kooxda alshabaab ayaa isku direysaa qabaa'ladda

Wasiirka ayaa sheegay in hadda dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in la bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, balse uu jiro qorshe la doonayo in lagu fashiliyo, isagoo hurinta dagaallada qabaa’ilka dusha ka saaray Khawaarijta Al-Shabaab fal kasta oo aano qabiil la xiriira inta ay socdaan dagaallada ka dhanka ah Khawaarijta waxay dowladda Soomaaliyeed u aqoonsan tahay in Shabaab ay ka dambeeyaan ayuu yiri Wasiir Fiqi

Dowladda federaalka ayaa farriin u dirtay maamullada HirShabeelle

Dowladda federaalka ayaa farriin u dirtay maamullada HirShabeelle, Galmudug iyo Puntland oo deegaanada ay ka taliyaan ay saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen dilal iyo dagaalo toos ah oo salka ku haya aanooyin qabiil seddax maamul waxaan ugu baaqeynaa inay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagu heshiisiinayo dadkaas walaalaha ah, dowladda federaalkana waxay diyaar la tahay gacan kasta oo looga baahdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Axmed Macalin Fiqi

Dilkii ugu argagaxa badnaa ayaa xalay ka dhacay bartamaha Dhuusamareeb, kadib markii ay rag hubeysan dileen labo ganacsade oo aad looga jeclaa magaalada, kana soo jeeday beesha Saleebaan, ragga dilka geystay in kastoo aan la qaban, hadana waxaa la tuhunsan yahay inay Cayr yihiin cayr dhexdiisa ayaa isla xalay labo kale isaga dilay gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Dhanka Mudug, waxaa ku dagaalamaya oo dad badan iska dilay labo jufo oo ka soo wada jeeda beesha Cumar Maxamuud ee Majeerteen dhanka Shabeellada Dhexe, waxaa aad isugu laayey oo xitaa guryo badan iska gubay labo jifo oo ka soo wadajeeda beesha Harti-Abgaal, kuwaas oo hadda lagu guuleystay in ciidan la kala dhexdhigo

Post a Comment

0 Comments