Ciidamada Xoogga dalka oo deegaano cusub la wareegay

Kooxda alshabaab

Howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidanka

 Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Bakool oo hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed howlgallada ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka, waxayna ku gaareen deegaano horleh oo hoostaga degmada Xudur

Ciidanka dowladda ayaa qabsaday deegaano horleh

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen deegaano ay kamid yihiin Abagbeeday, Dudumaale, Buulo-kojoor, Ceelgaras iyo meelo kale Abbaanduulaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad ayaa hoggaaminayay howlgalka ciidanku fuliyeen, waxaana tuulooyinkaas ka socda baaritaan amni xaqiijin ah.

Sidoo kale wuxuu abaanduuluhu sheegay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka Xudur, si looga saaro kooxda Al-Shabaab ciidamada howlgalka sameeyay ayaa sidoo kale la kulmay dadka deegaanka, waxayna ka codsadeen inay kala shaqeeyaan amniga, maadaama la xoreeyay dhulkaasi

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo rogaal celis ah ay soo qaadaan xubnaha Al-Shabaab ee laga fara maroojiyay deegaanadaasi bakool ayaa waxaa haatan ka socda diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo la filayo in xudun ay u noqoto magaalada Xudur ee xarunta gobolkaasi

Dhowaan magaaladan waxaa tegay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxwyene Laftagareen ujeedkana wuxuu ahaa dardargelinta dagaalka Al-Shabaab Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxayna inta badan go’doon gelisay magaalooyinka maamulkaas oo ay ugu horreyso Baydhaba

Post a Comment

0 Comments