Dagaal lagu jebiyay kooxda AlShabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka farlibaax

Kooxda alshabaab


 Dagaal xoogan ayaa ka socda 

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka oo maanta ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan qabsaday gobolka Hiiraan

Taliyaha saldhigga deegaanka farlibaax

Taliyaha saldhigga deegaanka Farlibaax, Salaad Sheekh oo qayb ka ahaa dagaalkaas ayaa sheegay inay jab xoogan ay gaarsiiyeen AlShabaab ayna kala wareegeen deegaanka Ceel Cadde sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in haatan ay deegaanka si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada ammaanka, ayna sugeen amniga guud ee deegaankaasi

Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo bulshada Soomaaliyeed deegaanka Ceel Cadde inuu nabad-gelyo yahay ciidankana ay gacanta ku hayaan ammaankiisana uu sugan yahay wax dhibaato ahna ay ka jirin” ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska deegaanka Farlibaax

Salaad Sheekh, taliyaha saldhigga Farlibaax oo sii hadlaya ayaa xusay in khasaare ay gaarsiiyeen Al-Shabaab balse iyagu aysan soo gaarin wax khasaare ah, sida uu hadalka u dhigay walaalo wax khasaare ah oo annaga naga soo gaaray ma jirto nimankaas farriinkii ay ku lahaayeen Ceel Cadde marka ay soo galeen ciidanka ayey rasaaseeyeen meelo dhaadheer ayay wax kasoo rideen cid wax ku noqotayne ma jirto” ayuu mar kale yiri Salaad Sheekh

Hiiraan ayaa ka jirta xaalad dagaal

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo Al-Shabaab looga saaray deegaanada ay ka joogaan gobolkaasi, maadaama wajigii koowaad laga saaray dhul ballaaran

Post a Comment

0 Comments