Faahfaahinta ka soo baxaya guri ku yaalla degmada deyniile oo xalay la qarxiyay

Kooxda alshabaab

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino oo xalay ka dhaday qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay gudaha degmadasi ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lagu xiray guri uu dagan yahay guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, laakiin waxaa jira burbur xoogan oo soo gaaray dhismaha guriga la qarxiyay dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in xilliga uu dhacayay qaraxa uu guriga ku sugnaa guddoomiye waaxeedka deganaa hoyga miinada lagu qarxiyay balse wuu ka badbaaday isaga iyo dadkii kale ee la joogay

Ma jiro wax hadal ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay 

Ma jiro wax hadal ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan qaraxaas xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidamada amniga ay baaritaano ka wadaan xaafadda uu qaraxu ka dhacay, si gacanta loogu soo dhigo kooxdii ka dambeysay weerarkaasi

Dayniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay

Dayniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay weeraro qaraxyo ah oo qaarkood loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa kuwaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac si kastaba magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan culays soo saartay kooxda Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay howlgallada culus ee ka socda gobollada dalka

Post a Comment

0 Comments