Qarax xalay ka dhacay Muqdisho iyo Shabaab oo beegsaday xarunta shirkadda Hormuud


kooxda alshabaab

Qarax culus ayaa xalay ka dhacay degmada Deyniile

Qarax culus ayaa xalay ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana la beegsaday xarun is gaarsiin qaraxaas oo ahaa mid culus, waxaa loo maleynayaa in loo adeegsaday miino lagu aasay derbiga Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud hoostiisa

Xarunta Shirkadda Hormuud ee xalay la qarxiyey

Xarunta Shirkadda Hormuud ee xalay la qarxiyey ayaa ku taalla Waaxda Barwaaqo ee degmada Deyniile Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa u xaqiijiyey in qaraxaas uusan geysan khasaare nafeed, balse burbur baahsan uu ka soo gaaray dhismaha xaruntii shirkadda Hurmuud ee Deyniile, gaar ahaan waaxda Barwaaqo

Ma jirto cid weli sheegatay masuuliyada qaraxaas,

Ma jirto cid weli sheegatay masuuliyada qaraxaas, inkastoo loo maleynayo inay soo abaabushay kooxda Al-Shabaab oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay is hayeen Hormuud kooxda Al-Shabaab iyo maamulka shirkadda Hormuud iskuma fiicneyn waayihii dambe, waxaana ka dhex qarxay khilaaf salka ku haya canshuurihii soo geli jiray Al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya ay ka jartay kooxda

Sida aan xogta ku helnay kooxda iyo maamulka shirkadda Hormuud ayaa ku kala tegay wax kasta, waxaana laga cabsi qabaa in hadda uu weerar ku bilowdo shirkadda oo weerarka caawa uu yahay farriin hordhac ah ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Deyniile oo deg deg u soo gaaray dhismaha la qarxiyey ee shirkadda ayaa bilaabay baaritaano ku saabsan sidii loo soo qaban lahaa raggii qarxiyey shirkadda Hormuud

Post a Comment

0 Comments