Ra’iisul wasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre ayaa maanta shir muhiim ka furay magaalada Muqdisho kaas oo ah Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Somalia

 
Ra’iisul wasaaraha Somalia

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta shir muhiim ka furay magaalada Muqdisho, kaas oo ah Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, isla markaana lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha gudaha iyo dibadda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dedaal ugu jirta soo jiidashada iyo dhiirigalinta maalgashiyo caalami ah, si kor loogu qaado wax soo saarka dalka, taas oo horseedi karta isku filnaansho dhaqaale oo waara

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusii daray in degenaansho la’aanta iyo colaaddaha ka jiray dalka ay horseedeen in laga faaiideysan waayo kheyraadka dalka waxaa kale oo uu caddeeyey in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in lala ganacsado oo lala faai’ideysto, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka

Shirka oo soconaya muddo labo maalmood 

Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda F. Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha Si kastaba, Soomaaliya oo haatan qorshaynaysa in mardhow laga cafiyo deymaha lagu leeyahay ayaa isku diyaarineyso inay hesho maalgasho caalami ah, si ay uga faa’ideysato

Post a Comment

0 Comments