Maxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay 10 ruux oo tababar kusoo qaatay buuraha Galgala

 

Maxkamada Ciidamada

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale maanta u fariisatay dacwad ka dhan 10 ruux oo loo hayto inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna qaarkood tababar kusoo qaateen buuraha Galgala ee Puntland raggan oo sidoo kale kasoo dagaalamay meelo kala duwan ayaa la qabtay, iyaga oo safar usii ah dhulka buuraha silsiladda ah ee Puntland, si ay halkaas uga soo dagaalamaan.

Waxaa sidoo kale qaar kamid ah eedeysanayaasha loo haystaa in ay ka soo dagaallameen deegaannada Ceel-lahelay, Sina-dhaqo, Bacaadweyn iyo qal-qal-gelinta amniga caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug baaraha Kiiskan oo Maxkamadda sharraxaad siinayay ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 7 ka mid ah eedeysanayaasha ay u socdeen buuraha Gal-gala si ay halkaas uga dagaallmaaaan, Al-shabaabna ay ku biireen bishii lixaad ee 2023

Sidoo kale 7 ruux oo qaba tababaro kala duwan oo dhanka ciidanka ah waxaa lagu qabtay Gaalkacyo ka dibna waxaa lagu wareejiyay ciidanka Danab, sida uu sheegay baaraha intaas kadib ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdicasiis Cismaan Faarax ayaa maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay khatar ku ahaayeen amniga guud ee dalka

Dhankiisa Qareenka difaacayay eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheegay in ay muwakaliintiisu qorsheynayeen in ay isku soo dhiibaan ciidamada sidaas daraateed la dhaqan-celiyo ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo soo gabogabeysay dhageysiga dacwadda ayaa sheegtay in ay dib ka soo saari doonto go’aanka tobankaan ruux

Post a Comment

0 Comments