Isku-milanka Shabaab iyo dowladda somalia oo si weyn banaanka ugu soo baxay iyo waxa socda


Isku-milanka Shabaab iyo DF

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay xukunno kala duwan ku riday xubno ka tirsanaa maamullada degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo lagu helay dambiyo ah inay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayeen kooxaha argagixisada marka aad aragto da’da ay jiraan iyo xilalka ay hayaan ama ay hore u hayeen xubnaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gooblka Banaadir ka tirsanaa ee loo xiray ama qaar hore loogu xukumay la shaqeynta kooxaha argagixisada

dowladda federaalka ama maamulka gobolka, da’diisuna ay dhaaftay 50 sano

Waxaa ku qasbanaan doonta inaad markale wax iska weydiiso fikirkii ahaa in argagixisada ka faa’iideysato dhalinyarada oo keliya iyo sidoo kale inay beegsadaan dadka baaga-muudada ah qof xil ka haya dowladda federaalka ama maamulka gobolka, da’diisuna ay dhaaftay 50 sano, haysta shaqo iyo mushaar, aqoon darro gaar ahna ay haynin oo haddana argagixisada u adeegaya oo weliba laga yaabo inuu ku gacan siinayo inay laayan dad shacab ah oo degan degmada ama xaafadii uu madaxda ka ahaa, waa arrin muddo huursaneyd balse hadda lagu soo baraarugay waxay ku direysaa isweydiin cusub

Isku-milankii la naaxiyay sanadihii tagay 

Isku-milankii la naaxiyay sanadihii tagay ayaa hadda si weyn bananaka ugu soo baxay, iyada oo hay’addaha amniga ee dowladda federaalka ah ay maalin walba maxkamadda geeyaan dad heerarka kala duwan ee dowladda ku jiray balse si qarsoodi ah ula shaqeynayay argagixisada.

In aad aragto qof aan dhalinyarnimo qaadin, shaqo la’aan aan looga faa’iideysan ee argagixisada ugu adeegaya magacii iyo hantidii dowladda ku aamintay waxay ka marqaati kaceysa inay weli shaqo badan hortaallo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee ka caafimaad qaba dabinka argagixisada horay waxaa u jiray eeddo ku saabsan in howl-wadeeno dowladeed inay cabsi darteed ula shaqeeyaan argagixisada, iyaga oo isleh armaa shaqsi ahaan uga badbaadan, laakiin argagixisada ugu dambeyn kuwaas iyada ayaa dishay marka ay ka gaarto wixii dan ay ka laheyd.

Dadka iyaga oo dowli ah haddana argagixisada la shaqeeya waa ka dambi badan yihiin kuwa aan wax masuuliyad ah u hayn dadka iyo dalka ee iyaga oo fara maran qaata fikirka argagixisada dowladda Dhexe ee Soomaaliya waxaa laga rabaa dadka laba kaarlayaasha ah inay siiso ciqaab adag maadaama ay laba jeer khiyaano iyo dhibaato kula kaceen Umadda Soomaaliyeed, si weyna u dhaawaceen sharafkii dowladnimada.

Soo qabashada dadka dowladda ku jira ee argagixisada la shaqeeya waxay dhinaca kale farriin u tahay ciidanka ilaaliya waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo inta badan si fudud u sii daaya gaadiidka ay wataan howl-wadeenada dowladda hadda waxaa hortaalla ciidanka baraha Kontoroollada fadhiya in howl-wadeenada dowladda u baaran sida dad aan masuuliyad haynin, maadaama ay argagixisada dhinac walba uga dhex milantay bulshada Soomaaliyeed.

Horay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u sheegay in aanay wax qiil ah laheyn in argagixisada la caawiyo nuucii ay noqotaba.


Post a Comment

0 Comments