Maxkamadda Ciidamada oo lasoo taagay nin qarax ku dilay hooyo iyo caruurteeda

Maxkamadda Ciidamada


 Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa maanta kasoo muuqday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda maxkamadda ayaa waxaa lasoo taagay eedeysane lagu magacaabo Yuuqow Caliyow Xaaji oo lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka, uuna ka howlgalayay caasimada, gaar ahaan waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye

degmada Kaxda ee gobolka Banaadir,

Ninkan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay qarax miino oo ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay iyo sidoo kale darawal mooto Bajaajleh ahaa Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Axmed Cabdalle oo maxkamadda ka hadlay ayaa sheegay inuu ninka  halis ahaa, isla-markaana uu ka shaqeynayay sidii uu u beegsan lahaa dadka shacabka ah ee mara waddadaasi.

Ninkan wuxuu isku kor dilay laba wiil oo aan qaan gaar ahayn iyo hooyadood waa ninka maalin walba waddada Afgooye aadeyso illaa Muqdisho isku xirto la raadsanaayay inuu qarax dhigo oo uu dad badan ku laayo bis” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada sidoo kale waxaa Maxkamadda kasoo muuqatay haweeneyd Ruqiyo Jaamac Khayre oo iyana lagu eedeeyay inay hubka u kaydin jirtay kooxda, taas oo laga soo qabtay deegaanada Ceelasha Biyaha taas oo la sheegay ina la shaqayneysay eedeysanaha

Xeer ilaalinta ayaa  Maxkamadda ka codsatay 

Xeer ilaalinta ayaa  Maxkamadda ka codsatay in eedeysanayaasha lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay ‘khatar ku ahaayeen’ amniga guud ee dalka ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray fadhigan, wuxuuna sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonaan

Post a Comment

0 Comments